ragba kaad u jeceshay
shaw marbuu ku riiqaa
rubad goynta caashaqa
raran aad ku gubataa
riyadii kalgacalkuna
raad buu igaga tagay
runta hadalkaan kuu idhi
dhagahaba umaad ridin
ra,yigaaga wiilyahow
raxraxda iyo wanaaguba
riyay kaa ahayd shaw
iyo laguma raagaan
rajo kaama sugayee

rugta nolosha aayaha
halka aniga ii roon
rabibaan ka sugayaa
raxmada iyo barwaaqada
raasamaal aduun ma leh
raaxo lagu nagaadee
rafaadkii aan soo maray
waan ka raysan doonaa
ra,yigaaga wiilyahow
raxraxda iyo wanaaguba
riyay kaa ahayd shaw
iyo laguma raagaan
rajo kaama sugayee

Exit mobile version