Ilaa sano labaatanaad
Markuu lumay hogaankii
Haba kala darnaatee
Dalka qaaradiyo goor
Holacbaa ka baxayee
Habeen laguma lado nabad

In kastoo la hawlgalay
Hore loogu xulay madax
Lama hanan lama hanan
Lama hanan nin guushoo
Waxay hiraaya mooyaan
Lama hanan lama hanan
Lama hanan nin guushoo
Waxay hiraaya mooyaan

Madaftiina maantana
Madaralafisii
Hadii aad i galisaan
Hambalyaanu leenahee
Hareertiina naga daya
Naga dayaay
Hareertiina naga daya

Sooyaal horeetiyo
Hamigaaga madaxnimo
Halkii cali sharmaakee
Murti loo hiran jiray
Haybadii rashiidbaa

Adna kugu hagoonee
Inaad hanato qaranimo
Hubsada aqoonyahan
U habeelabaa tahay

Sooyaal horeetiyo
Hamigaaga madaxnimo
Halkii cali sharmaakee
Murti loo hiran jiray
Haybadii rashiidbaa

Adna kugu hagoonee
Inaad hanato qaranimo
Hubsada aqoonyahan
U habeelabaa tahay

Exit mobile version