Halyeygaan jeclaayoo
Habeen iyo dharaar dharaar
Hurdadii ka tagayoo
Hareerahaan kaa dayaa
Kaa dayaa

Hankaygaa ku raacayoo
Ma hadhsado awgaa
Haraadbaan kuu qabaa
Haminaa haminaa
Haminaa waan kuu hayaa

Haasaawihii dhexdeenaa
Hilaw igu abuuroo
Halbawlhaa wadnahaan
Hoy kaaga dhigayee
Hubaal ii ogsoonoow

Hormuud hormuud
Kii naftaydoow
Hibo iyo habsami
Habsami habsami
Eebe kugu hagoogoo
Hido waxaad u leedahay
Aa u leedahay

Dhaqankeenii hooyaad
Hilinkeedii hayee
Haybadiyo hanaankiyo
Hantidaa hantidaa
Hantidaa daweeya

Haasaawihii dhexdeenaa
Hilaw igu abuuroo
Halbawlhaa wadnahaan
Hoy kaaga dhigayee
Hubaal ii ogsoonoow

Exit mobile version