mariid miyaad tahay
mise shay macaan
dhuunta mari karayn
ana ka maarmayn
murugada kalgacal
ku mataanaysan caashaqa
anigay imaratee habeenkii
jiif miyaan rabay
adiguna macaanow kumee
waan kugu mabsuudee kumee
kaama maarmee aboowe macaane kumee
maqaamsaday intiiyoo
muuqaalka wacan
rabaa kugu manaystoo
muujiyey jacaylkii
mahadhada kalgacal
muadanahay ku hiratow
mar inaan kuhela baan
mawlahay ka tuugaa
adna macaane kumee
waan kugu mabsuudee kumee
kaama maarmee kumee
aboowe macaane kumee

Exit mobile version