Dhaayaha uroonow
Jaceyl aan dhamaanbaa
Kudhex nool naftaydee
dhuudahay damqaayee
Dhuuxa iyo lafaha iyo dhiiga mara halbowlaha
Wadnahaad ku dhurantee
Hurdo dhaban anoon dhigin
DHaraar iyo habeenay
Dhankii aan jaleecaba
Humaagaagaan dheehdaa
Dhamoow adi daraadaa
Dhuunigii ka go ayoo
Dheef inaan wadaagnaa
Ogow dhowrayaa weli
Igu dhalay kalgacaloo
Dhaawacii kugaadhana
Waa dhibaatadaydee
Hurdo dhaban anoon dhigin
Dharaaro iyo habeen
Dhankii aan jaleecaba
Humaagaagan dheehdaa

Exit mobile version