Dubka igu yaallo
mar horaa dushiisaa
leygu daadshe malaboo
anoo daayaayoo
ka tan baxay galkacalka
jaceylkan igu soo dagay
i darbeeyay waa maxay

Soo taan u dagayee
balantii dhaxdeeniyo
dooxyadi banaana
u dabaalo caashaqa
hor ugu dardarmeen

diinkii nafsiga wadayee
ina kaariyo dirayee
iga rogashadiisi
ma anuu igu soo dagayee

Dibnihisu kululaa
ma dabaa kasoo bixi
diirdiiranaayoo
gubuhiisu adagaa
ma mid deyr cad geelidyo
gambo lagu anqariyo
duulaan u kacayba
isagoo i dilaya
ma damqado jirkeygu
ma diktoor is nacay baa
ma dayaa hiiladada
anoo dayaxa dhaafoo
dunidaba ka tagay buu
dusha igaga yimidee
duulaan la adagiyo
ma dabeylaha sida
hadii kula kashadayee
haatan kuu il doorsadayee
ayaa iga daweeya dadow
ayaa iga dabiiba dadow
ayaa iga dul qaada
dawadiisa heli kara

Exit mobile version