Sow xabiibi xiisaheenii
Laabta xuusha caashaq kuma hayn
Sow xusuustii xubigaagii
Xalaal jiifkii maan xaraamin
Ha ixoorine ixushmeeyoo
Ixanaanee xaaskaygii noqo

Rahma rose
Sow xiskaygii rag xasuustii
Xeerka nooyaal
Xanib maan odhan
Ha igu xiiqine
Oo ha i xagxaganine
Xagaa idhaaf,hana isoo xulan
Xanxan beenoo
Dumar lagu xado
Kaxanaaqee ha xasuusine

Shooli yare
Sow xabiibi xaawalay idill
Kama xulanoo,xisla kuma dhigan
Adaa xeeriyo xanaano jacayl
Xiisaha kalgacal,naftayda ku xiray
Ha ixoorine ixushmeeyoo
Ixanaanee xaaskaygii noqo

Exit mobile version