Ma ogtahay jaceeyl yahoow
Markastoo tusqaaddaba
Wax kuu taag helaan jiri

Aniguna tuhunbixiniyo
Tiirkaan dhidbaayiyo
Aan taydii ku seegee

Wixii tacab aan kuu galay
Waxba iiga maad tarinee
Dhibtana iiga maad turinee
Haa dhibtana iigamaad turinee
Turxaan haaa turxaan li’i ku nooloow

Anoo kugu taamayoo
Ragba kaa tusmaystoo
Kaa tilmaantay adigaa
Tilmaantay adigaaa

Adna waxaad tix gelisaa
Hadba talo wadaagtaan
Ruuxii kala taggeen jecel

Wixii tacab aan kuu galay
Waxba iiga maad tarinee
Dhibtana iiga maad turinee
Haa dhibtana iigamaad turinee
Turxaan haaa turxaan li’i ku nooloow

Exit mobile version