wixii arimaha yimaada
anaa odayaynayee
ishaa uun igala soco
waxan ku idhaahdo maqal
agtaada markaan imaad
uurkaaga wixii ku Jira
adoon soo marina afkaba
anaa eegmada ku garan
aqoonyahan baa taho
ragii afrikada ka jiray
amaanta adaa mutaystay

wixii aad gashay abaal
hadaad axdigii adkaystay
siduu arxankaagu yahay
umaduba way ogtahay
ilays baa tahoo
ayaankaaga tirsane
hadaad aragtida ku badin
miyay naftu aamustaa
aqoonyahan baa taho
ragii afrikada ka jiray
amaanta adaa mutaystay

Exit mobile version