VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Heest aroos - Lyrics

Ayaan badanow Arooskaaga laysku arag oo hooyada haybadlay hadiyadbay sidaa ducana way kuu hibaysay horomar gaadh hooyo inankaygiyow caaqilkaan dhalow adhaxda iyo beerka ubaxii ka beermiyoo amaan iyo ducaba waad iga istaahishaa intaada horaad u dheeqday Allow ku daa Ayaan badanow Arooskaaga laysku arag oo hooyada haybadlay hadiyadbay sidaa ducana way kuu hibaysay horomar gaadh Arooskaagaan in badan eegayoon jeclaa inaan ubadkaaga arka oo Allow igu simo Allaan ka baryeyaa rabigay ha ii aqbalo Allow guurkaaga kii lagu aflaxo ka yeel Ayaan badanow Arooskaaga laysku arag oo hooyada haybadlay hadiyadbay sidaa ducana way kuu hibaysay horomar gaadh
Queue is empty
-- / --