Heesta Hobeeyaa - Lyrics
hobiya hoobiya hobeeya
hobiya hoobiya hobeeya
imaqal shaqlaney inaadeer
I maqal shakhsi adiga mooyee
walaal sheekana ka wayne
maruun ma I shaafiyaysaaye hobeeya
walaal shabad magac la baan ahay
walaal sharaftana ku dhawrsani
sheeko macna laawe ma ogoli
lasoo shawr waalidkay hobeeya
hobiya hoobiya hobeeya
hobiya hoobiya hobeeya
shumuxiyo sharaf wanaageey
walaal shido caashaq waa naar
waana shayga uGu xanuun kulul
maruun ma I shaafiyaysaaye hobeeyaa
walaal shanta diin islaamkiyo
walaal shanta eebe soo rogay
walaal sharaftooda dhawreey
ayay sheeko noo banaantee hobeeya
hobiya hoobiya hobeeya