adaa wangalaalka dareenka
ku weemay naftayda wareerka

markuu wadnahaygiyo beerka
waraabshay waabayda suntiisa
inaad wacadkii kawareegtiyo
wadeeco kaama filayninee

hadaanad wadaynine jacaylka
warmada u adkaysan karayn
maxaad waqtiga iiga halaysay

wanaag anigoo ku barbaaray
waxyeelo ka dhaarshay naftayda
miyaan waxdi beena rumaystay
intaan wadadii ka habaabay
waayeel taladaan la wadaagay
miyay wari iiga danbaysay

Exit mobile version