Heesta Waqtigu waa isdaba socdaa - Lyrics
Maxay dantu ciishay wiiloow
Dulqaadiyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan
Adigu soo daba abaar
Maxuma dan
Marbuu dirir kuu da'ayaayoo
Daruuruhu kuu curtaanoo
Xareed ku dabaalataa
Intay deeqda eebbe maqan tahay
Haddilin hana iga dagaalin
Dubkaa igu yaallee
Ax
Wadnahaa damqashada
Ka daaa
Maxaa laba ruux isdoortoo
Dabada isha looga qariyoo
Kuwii xigay loogu dawgalayee
Maxaa duni lagu lugga'ayoo
Innaba lagu dagaynoo
Sidaad doonayso noqonayneen
Waqtigu weey isdaba socdaa
Adiga deganaabaa
Marbuu dirir kuu da'aaayoo
Daruuruhu kuu curtaanoo
Xareed ku dabaalataa
Inteey doqonimadaa tahay
Inteey doodii abaaryaday
Haddilin hana iga dagaalin
Nacasbaa dabraaye
Miyaan dakharkaba ogahay
Habeenkoo damyiriyoo
Gudcurku daahiisa rogayoo
Dabayluhu fooryayaan
Halkii aad adi kuu darneeyd
Ilaah waa kaa duwaayoo
Dibbaad uga joogsataa
Adiga dururshaaga iyo
Dareemaaga jiiri lahaa
Markuu dayax soo baxaayoo
Cadiyo saad kuu badiyoo
Dalluunku kuu caddaa
Inteey deeqda eebbe maqantahay
Haddilin
Hana iga dagaalin
Dubkaa igu yaallee
Wadnahaa damqashada kaddaa
Maxaa doonaysa oo
Doraadiyo liidatoo
Adiga kuu dabaabadaa
Dibjiray ruuxisiyoo
Dubkiisa la dooriyaayoo
Dadkuna kugu caayayaan
Waqtigu weeys daba socdaa
Adigu dayaysnaa
Ilaahay kaa dushaa
Danayso adoo lahaa
Marbaa dacar qooshataayoo
Dubkaa ku durduurataa
Inteey doqonimadaatahay
Haddiidin waa loo dulqaataa
Nacas baa dabaayee
Ax
Miyaa dakharkuba uga daraa