VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dareen igu la sheekayso - Lyrics

adigaa ah dookhayga kuu dooni jiray maanku adigaa ah ii daacad qalbigayga ruux deeqay 2x in daruuri ii hoortay dusha la iga garay muuqa jawigani ka duwan maanta kii doraad la soo dhaafay 2x ku dedaal jacaylkeena ka difaac xumaanoo dhan adigoo i dacal jooga dareen igula sheekayso 2x adigaa ah darajeeya adigaa ah daaweeya adigaa xumaha dayra adaa nolosha ii daara 2x waxa tahay midkaan doortey dugsi weeye ruuxdaadu waa daryeel kalgacalkaagu dantu waa is fahankeena 2x ku dedaal jacaylkeena ka difaac xumaanoo dhan adigoo i dacal jooga dareen igula sheekayso 3x
Queue is empty
-- / --