adigaa ah dookhayga
kuu dooni jiray maanku
adigaa ah ii daacad
qalbigayga ruux deeqay
2x

in daruuri ii hoortay
dusha la iga garay muuqa
jawigani ka duwan maanta
kii doraad la soo dhaafay
2x

ku dedaal jacaylkeena
ka difaac xumaanoo dhan
adigoo i dacal jooga
dareen igula sheekayso
2x

adigaa ah darajeeya
adigaa ah daaweeya
adigaa xumaha dayra
adaa nolosha ii daara
2x

waxa tahay midkaan doortey
dugsi weeye ruuxdaadu
waa daryeel kalgacalkaagu
dantu waa is fahankeena
2x

ku dedaal jacaylkeena
ka difaac xumaanoo dhan
adigoo i dacal jooga
dareen igula sheekayso
3x

Exit mobile version