adaa fikirkayga haysta
xiskayga sidaan filaayay
jaclkaagaag ku faafay
wuxuu la fal galay quluubta

adaa igu filan aduunka
markaad faraxadaan farxaaye
waxaad tahay ruux la fiirsho
dadkoo dhana loogu faano

faalaynta naftaada oodhan
markaan falanqayn sameeyay
waxaan fahankii ku dastay
alla kugu faro yarastay

fariidbaad tahay cajiiba
waxaad tahay ruux faciisa
filkiisa kasoo dhalaalay
ragana adaa ufiican

fiyooraha caashaqeena
faraha ku qaboo bal daawo
maryaynaan kala fogaanin
agtayda soo fadhiiso

Exit mobile version