Waa saar jacaylkuye
Saacada iyo miridhkiyo
Subaxaan ku waayaa
2x

Kabaha suunankiyo
Indhaladuu isaafaa
Kabaha suunankiyo
Indhaladuu isaafaa

Dadkaa muruqa alla laba suul
Qofba si u yaqaan
Adna kuma sari karoo
2x

Halkaad cagaha saarneyd
Waa intaad la seegtaa
Ha ka dhicin salaamada
Qaar lagu sigtaa jira,ee
2x

Hadii kalena sii soco
Saandanbaad garanee
Hadii kalena sii soco
Saandanbaad garanee

Saxansaxo udgoonaa
Sahan weeye roobaa
Bal hadana sirgaxanaa
2x

Haraad kaama saartee
Sideebaan u qaataa
Haraad kaama saartee
Sideebaan u qaataa

Sahal laguma heli karo
Sadna looma qaatee
Ma sidoo kalaa tahay
2x

Halkaad cagaha saarneyd
Waa intaad la seegtaa
Ha ka dhicin salaamada
Qaar lagu sigtaa jira,ee
2x

Hadii kalena sii soco
Saandanbaad garanee
Hadii kalena sii soco
Saandanbaad garanee

Exit mobile version