Heesta Nimco - Lyrics
Meel uu Nooluhu camiray
Dhul nabadoo laga baqayn
Neecaaw iyo riix udgoon
Nafluhu uriyaaqay baa
indhaha naxriis utahay
Nasiibkii aan helaay
Jacaylkaagu ii nugleeyahee
Adaa ku nikaaxan qalbiga
Nimcooy gacaladaan
Naftayda udoortayee
Middii aa naadiyoo
inbadan aan dhaawilaay
nusqaan caashaqa ka dhowr
ka dhowr nusqaan caashaqa
Naftaa kugu reesatoo
Leer nagi baad ila dhistee
Ha nuuro jacaylkaynoo
Naaskaaga caruur jaqdiyo
Raboo noo naadi qayr
Nasteexo iyo ubad nasiiy
Nacabka ka dheeraw
Balaayana naga najiib
Nimcooy gacaladaan
Naftayda udoortayee
Middii aa naadiyoo
inbadan aan dhaawilaay
nusqaan caashaqa ka dhowr
ka dhowr nusqaan caashaqa