waa la isku kiin qoray
waadna isu qalantaan
rabi qurux idiin dhali
qosol farax qof idin jecel
qalbi furan kusoo dhawaada
is qadriyay qiimo isu yeela
caashaqan qoyani
yuu abad qalaline

waa qurux jacaylkii
qoys u wadaagoo
qaladaadka laga jiro
qosol farax qof idin jeceilye
qalbi furan kusoo dhawaada
is qadirayaay
qiimo isu yeela
caashaqan qoyani
yuu abad qalaline

haku qooqo ubadkiin
qolqolkiyo duleedada
qaboow iyo dad kala hela
qosol farax qof idin jeceilye
qalbi furan kusoo dhawaada
is qadirayaay
qiimo isu yeela
caashaqan qoyani
yuu abad qalaline

Exit mobile version