Heesta Hees 11 - Lyrics
inta duubka xiranee umadadooda sharaf iyo ixtiraam kamudanow
culumaa udiinkiyo odayada cuqaashow ururada bulshada iyo aqoon yahanka joogow
dalku siduu ahaan jiray iyo maanta siduu yahay
muqaalka aragiyo maqalkaba ukala roon
karaamaduu ilaahay ku maneestay aadmiga isticmaali waynee
asaageen nadhaafyoo imtixaanka nagu dhacay anagaa usababa
arimuhu ma fududee ergayahay digtoonow
dumar sida asaay iyo rajo iyo agoon iyo
dad u ooman nabad sharci kala ilaalshiyo maamule u adeegaa
ku han wayn shirkiinee mid abshira allahayow
mid abshira ijaabo leh oo aayo leh allahayow
qof ilaah rumeeyoo adoonoo hogaan samay xaqa kama anbanayee
idinkoo ujeedadii kulankan loo abaabulay
ebyin oon dhameestirin arladii ku noqod maleh