Heesta Hees 9 - Lyrics
alahayow dadkaygii inta aaday dibadaha dacalada aduunyada daadsan oo qaxootiya mahelaan daryeel wacan daltabyana usiidheer
dawarsiga shisheeyaha waxaa ooga siidaran doorsoonka dhaqankiyo dayacnaanta diintee
daalay oo dhibtoonayee nabad lagu dakeeyoo dib la iskugu arkiyo xaal deg dega allahayow
alahayow dadkaygii inta aan dalkoodii marna dibada uga bixin dilka iyo isboobkiyo dulmigiyo xad gudub kaba darxumadiyo gaajada
deegaan kooda baaba'ay waxa uga siidaranay dabka nimanka shidayoo xukun damacu kaga jiro
daalay oo dhibtoonayee nabad lagu dakeeyoo dib la iskugu arkiyo xaal deg dega allahayow