VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Allaa - Lyrics

Lix saniyo dheeraad Jacaylkaan dhisaynee Dheeliga u diid idhi Wali muu dhamaanine Maalintan ku dhawraba Jacayl igu dhamaayoo Dhinbiil aad u kulul iyo Dhamac buu iga shidaya Inanyahay dhamaan dumar Dhaqan iyo asluubiyo Qurux baad ku dhaaftee Alaa kuu dhameeyee Miyaan kaa dhargaayaa Dhiigiyo jidhkaygiyo Dhabarkiyo laxaadkiyo Maqalkiyo dhaayaha Rabi kugu dhameeyee Qalbigaad ku dhigantoo Calooshaad dhex miratoo Dhuuxaad kulaysaa Dhaymihii naftaydaay Dhankastaan jaleecaba Midaan kula dhigaba wali Maba aanay dhalanine Alaa kuu dhameeyee Miyaan kaa dhargaayaa
Queue is empty
-- / --