Ilayn dumar lama aamino
Dookhaagii habeen qudha
Dusha lagama saaroo
Jacayl lama tutuurtee

Nin ruuxi ku aaminay
Dabayl looma dhiga oo
Nin ruuxi ku aaminay
Dabayl looma dhiga oo
Sidani waaba daaloo
Balantaad cadaysee

Sidaan damacsanaa
Adaa dagee
Ana doontay qeyray
Adna dariiqu kuu furan
Ana doontay qeyray
Adna dariiqu kuu furan

Hadii ay istoor tahaa
Damac weeye aragoo
Naftaa wey u daran yihiin

Ilayn dookheena jacayl
Hadii ay is doortaan
Danin weeye adagoo
Naftaa wey u daran yihiin

Adna dooxan caashaqa
Adigaa igu darayoo
Adna dooxan caashaqa
Adigaa igu darayoo
Markuu daadku ila tagay
Diba iima keeninee

Jacaylkii dadnaa
Adaa daadyee
Ana doortay ragii
Adna dariiqu kuu furan
Ana doortay ragii
Adna dariiqu kuu furan

Exit mobile version