Ana waan gurxamayaa
Sida aar gantaal qaba
Meel uu gaadho waayaa
Anad go,aankiisu rooraaye

Nafsi ha iga qaadanoo
Calaf geedi weeyee
Gabadhaan jeclaayeey
Miyaad ii gargaarayn

Laba carladaa jecdel
Oo kuu gar sheegtay
Loguhu ma giijee
Gogolbaa la geeyaa
Ala gara qara waa garsooraaye

Nafsi ha iga qaadanoo
Calaf geedi weeyee
Caladaan jeclaayeey
Miyaad ii karaameyn

Gabal dhacay waabari
Guriga aad ku nooshahay
Afariisa geesbaan
Salaantayda geeyee
Si aad gaclootee

Nafsi ha iga qaadanoo
Calaf geedi weeyee
Gabadhaan jeclaayeey
Miyaad ii gargaarayn

Exit mobile version