Hooyo iyo aabihii
Rabi iga abuuree
Aduunyada i keenoow

Habaydin anoo ahiyoo
Anoo ayni doora jira
Kuwii i ilaaliyee
Asluubtayda toosiyoow

Alifka kuwii ii dhigee
Islaamnimo igu korshoow
Abaalbaan idiin hayaa
Ifkana naxariis ku hela hela
Aakhiro janadii udgoon aamiin
Aakhiro janadii udgoon aamiin
Aakhiro janadii udgoon aamiin
Aakhiro janadii udgoon

Aabo iyo hooyadii
Jecel aragtidaydee
Kugu doogsanaayoon

Asal dhaqankayga iyo
Aqoon lagu arinsadaba
Indhaha kuwii ii guree
Wanaaga ka eegtayoo

Alifka kuwii ii dhigee
Islaamnimo igu korshoow
Abaalbaan idiin hayaa
Ifkana naxariis ku hela hela
Aakhiro janadii udgoon aamiin
Aakhiro janadii udgoon aamiin
Aakhiro janadii udgoon aamiin
Aakhiro janadii udgoon

Exit mobile version