Inanyahay ayaantii
Hore een is aragnay
Sow imaad sheegin
Ayaa igu eekaatoo
Amakaag ka qaadoo
Naftaydii eray dheer yahee

Ma ilawday
Mise waad adkaysoo
Waad abaabulaysaa

Inanyohoow aduunyadu
Ayaan kaliya maahee
Ibtilada ku haysaa
Amba wey i ag taalaayoo
Eri dhaban sidiisaan
U oloyaayee

Ma iloobi karayoo
Axdigii dhexdeenaa
Waan adkaynayaa

Inanyahay asaagaa
Eadabtiyo la dhaqanka
Iimaanka deeqdee
Ifka adiga mooyee
Inaan eego meel kale
Naftu ma ogalaatee

Ma ilawday
Mise waad adkaysoo
Waad abaabulaysaa

Arladaba dhamaanteed
La,aantaa iftiinoo
Waa urugadaydee
Ha isudhanin kaligaa
Ayaa olol jacayl qaba
Amba kula midbaan ahee

Ma iloobi karayoo
Axdigii dhexdeenaa
Waan adkaynayaa

Exit mobile version