Marwadii naftaydaay
Kala maarmi maayee
Muxibiyo wanaageey
Gacalooy

Sidii mawjaduu i maquuriyeen
Sidii mawjaduu i maquuriyeen
Maayada kalgacal igu maaxayaan
Ma malayn kartidee
Maayada kalgacal igu maaxayaan
Ma malayn kartidee

Injirtaydiibaad tahee
Ila maamulo caashaqane

Sidaad iigu mudantahay
Ama iigu marantahay
Lama masali karaayee
Gacalooy

Hadaan maalin qudha
Kaa yara maqnayd
Ama miridho qudha
Kaa yara maqnayd
Muhashada naftaa
Kuu mililicdoo
Kaama maarmasee
Muhashada naftaa
Kuu mililicdoo
Kaama maarmasee

Exit mobile version