Naftu doqonsanaa
Damac waalanaa
Waxay doonto bari
Kuu diri ogaa
Dantu kaa adagaa
Durba heli ogaayeey

Labada is dardaray
Dad ka dhibi ogaa
Labada is dardaray
Dad ka dhibi ogaa

Receve dheh makuu diray
Ka durugsanaa
Nimuu duunyo tiilaayo
Labadii ku dhawaaq

Taa waxa daliil u ah
Haadka samada duuliyo
Jinkuba u siman calaf

Nina ceeshka daayacan
Inuu dal u soo marin
Kama helo daleedaa daleedaa

Siday diintu nagu tidhi
Iyo xabaha dhaaftee
Dharka darajaduu helay
Rafiikaa ma daynee
Dhadhalkaad i doontidee

Nafta
Dabaylaha cirkay
Adba kugu dartaa
Daruur kaa fogbay
Daro xidho
Kugu tidhaahaaye

Dahab aanad lahayn
Ku tidhaa daldalo
Dahab aanad lahayn
Ku tidhaa daldalo

Haadka dayrin abidkaa
Noloshaad badali tahay
Haw doogin abidkaa
Mid kaluu ku dayashaa

Taa waxa daliil u ah
Oo nooga dhigi kara
Xadiisbaa ku soo dagay

Marna isma garab dago
Dad ma wada sinaan karo
Aduun waa is daba maal
Is daba maal

Siday diintu nagu tidhi
Iyo xabaha dhaaftee
Dharka darajaduu helay
Rafiikaa ma daynee
Dhadhalkaad i doontidee

Exit mobile version