waa boog jacayloo
naguu beeranoo
adigaa i barayo
balansaday naftee
bidhaanta arkana
beerkiyo halbawlaha
caashaq baa kaso baxay
aboowoow caashaqbaa bug yidhi
boqorkaygiyoow
baraarkaa adkee
adigoon ka bixin
noqo baari wacan

waa boog jacayloo
bilo awdayoo
soo ifbaxoo
bishaariyo bilkhayr
bidix iyo midig baan nahay
isku baahanoo
caashaq baa kasoo baxay
aboowoow caashaqba buga yidhi
boqorkaygiyoow
baraarkaa adkee
adigoon ka bixin
noqo baari wacan

Exit mobile version