qof kaa dhoofoo aan iman
dhibaatuu leeyehee
wakhtigu wuu dheeryohoo
dhulkuna wuu kala fogye
dhaayuhu ma arkaan kolay
naf meel dheer kaa jirtee
dhambaalada soo diroo
dhagaha uun igala socoo

jacaylbay idhalan rogoo
hurdana dhaafoo katagay
habeen waan dheel madaa
dharaartiina waan socdaa
dhabaan kuu jecelohoo
dhamaan waaxyahaygiyo
dhiigaad ku abuurantoo
hoy iyo aqalbaan dhisaa

Exit mobile version