ma cisiga sharafteeydana
dadbadan ka caroonayaa
farxadaan camirtay anigu
cuqdad laga qaadayaa

ma halkaan cagta soo dhigee
cadawgu ku mashquulayaan
hadeey cirka soo dunshaan
miyeey i coleen kareen

ma libtiyo guushaan cugtaa
qof kale iga celinkaraa
ma ceesh rabi ii qoraa
cid kale iga qaadeeysaa

dad nimo caadil ii dhashaa
masayr iyo ciilka baday
miyuu caqli gab rajada
mar uun ciideeyn karaa

ma kartida cududeeydanaa
caloosha laga diidayaa
hadeey dhibsadaan cisiga
carqalada maku beerayaan

Exit mobile version