inta meerti caashaqa
sawdigii ku milayee
qalbigayga muhashada
ku maree kusii muday
ma waxaad ilawday
iga maaran leedahay
maankaad jacaylkiyo
ku talaashay muxubada
maamuus kalgacalkiyo
meeshaad i saartee
maradii xariirtii
ma wax muunad baxayo
maydhmayuu ahaa awal

intaan macsuuntee
maskaxdayda soortaa
miray caashaq siisaa
muudmuudso igu tidhi
ma huraayo sawtaad
ahayd laba mataanaa
malabkaan wadaagniyo
macaankii ma beenbaa
inta meerti caashaqa
sawdigii ku milayee
qalbigayga muhashada
ku maree kusii muday
ma waxaad ilawday
iga maaran leedahay
maankaad jacaylkiyo
ku talaashay muxubada
maamuus kalgacalkiyo
meeshaad i saartee
maradii xariirtii
ma wax muunad baxayo
maydhmayuu ahaa awal

Exit mobile version