Caashadu ilaahay
cirka taagay udubli
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cuuna seegi maayee
caashaqa ha baayicin

Xalaytabao caweskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha liyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
ku wa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin

Exit mobile version