Heesta Baadi goob Qaran - Lyrics
Waxa loo baahanyahay
Inaan wax ka barano shalay
Waxa loo baahanyahay
Qabiil ma badbaadiyee
Inaan qaran baadi goobno
Waxa loo baahanyahay
Soomaali way baahantay
Waxay u buktaa cadaalad
Muday bayhoofaysoo
Fuqiyo beerku isku dhagay
Biniixo yarooyinkiina
Haduu u bildhaamay maanta
Dunidu eegmo ugu baaqday
Waxaan ku bogaadin lahaa
Ilayskaa soo baxiyo
Bidhiiqa inaan la damin
Bayaanka waxaan uga socdaa
Jidkii lagu ba'ay mar hore
Inaan lagu celin bulshada
Waxa loo baahanyahay
Inaan wax ka barano shalay
Waxa loo baahanyahay
Baydaadan lahayn yadiisa
Booligu kuma dhacan tiree
Inaan ka fogaano baadil
Waxa loo baahanyahay
Qabiil ma badbaadiyee
Inaan qaran baadi goobno
Masuuliyad buur ka culus
Bad wayno ka daran amaano
Miisaanka balaadhayoo
Baaxada oogadaada saaran
BOQORKAA kugu eegayee
Hadaadan bogan xilkaaga
Dariiqii mari samato bixinta
Xaqiyo kala saar baadil
Waliba dhibana bogsiin
Qudhaada loo booqaa
Bayaanka waxaan uga socdaa
Balaayo qofkii u yeedha
Ayay ka jartaa boqnaha