VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Bartaad igaaga taallee mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saado cali Warsame
Bartaad igaaga taallee

SAADO CALI WARSAME

Bartaad igaaga taallee
bar kale dawayneyn
mid bogsiin haddaad tahay
axdiguna bir kula yahay
ballantii aan dhigannaba
waligaa ha beenayn
barashadii kalgacalkuna
bilaash yaanay kula noqon

Marse haddaan barbaartii
Baxsanoow daraaddaa
uga soo bannaan baxay
cidla haygu baylin

CABDI SALAAD AADAN “BEER-DILLAACSHE”

Badbaaddadii naftaydaay
farxaddaan is barannaay
niyad lagugu beeraa
soo booqo igu tiri
ballankii Ilaahay
sharaf kugu habooneey
Bilaneey hadaan helin
ha’woow guura ii duumin
saw badi hablaha qaar
biyo kuuma siiyeen
sow barkeed adduunyada
kaaga ma dhigeen boqor

Balse waxaad ogaataa
inaan baydi iyo hodan
iyo meel barwaaqa ah
ugu baaq is leeyahay

SAADO CALI WARSAME

Boholyoow daraaddii
bartamaha habeenkii
saw maan soo baraarugo
oo boggaygu kuma tebo
beerka iyo wadnuhu ani
saw ima babbanayaan
adaa baday jacaylkee
haraadkiiba kama bi’in

Marse haddaan barbaartii
Baxsanoow daraaddaa
uga soo bannaan baxay
cidla haygu baylin

CABDI SALAAD AADAN “BEER-DILLAACSHE”

Badbaaddadii naftaydaay
farxaddaan is barannaay
niyad lagugu beeraa
soo booqo igu tiri
sow beel nimco ahi iyo
bulsho caafimaad
barni inaan ku kulannaa
beerkeyga kumaan hayn

Balse waxaad ogataaa
inaan baydi iyo hodan
iyo meel barwaaqa ah
ugu baaq is leeyahay

codkii Saado cali Warsame