VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhabta isaar Ft Shamuuri - Lyrics

Saado Ali Sida dhool guyoo da'ay Dhirtu ubaxa bixisoo Dhulku wada dhalaaloo Xooluhu dhaleenoo Dhayda iyo subaggii Dhitadii u taaloo Dhallinyaradu joogtoo Dhaantada ciyaaraha Dhammaan laysla tumayoo Ayaad iiga dhigantoo Labta kula dhacaysee Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan Dhabta i saar Shumeeri Dhirta oo magooshiyo Ciiddoo dhibic ku hoortoo Dhammaan rays ka soo baxay Oo dhebiga laamuhu Dhinacyadu u liiceen Shimbiruhu dhawaaqiyo Qayladu is dhaafshaan Nimcadaa dhitowdoo dhammi loo han weyn yahay Ayaad iiga dhigan too Laabtaa kula dhacaysee Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan Dhinaca isaar Saado Ali Dhan kastaba adduunyada Waxa laysku dhaafaa Ama lagu dhaqmaayaa Lagu dhalaa carruuraha Dhismaha caashaq weeyaan Anigana dhibkaygiyo Dhiilladan i haysaa Dhabtii waxan tirsanayaa Waa adi dhankaagee Amba kuguma dhaafeen Hadday dhaawacaa tee Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan... dhabta i saar Shumeeri Beerkey dhambalanoo Dhuuxaygaa shubmaayoo Dhiiggay qulqulayoo Dhibtu maaha kelidaa Waase lagula dhinacyaal Dhabbadaan maraayiyo Kolka aan dhaqaaq tebo Dhammi waaxyahaygiyo Dhimirkaygu adiguu Dhabtii kula hayaayoo Dheellalowga ugu wacan Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan Dhabarka isaar Dhabta isaar
Queue is empty
-- / --