VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhadhabayaa - Lyrics

Sida dhool guyoo da’ay Dhirtu ubaxa bixisoo Dhulku wada dhalaaloo Xooluhu dhaleenoo X2 Dhayda iyo subaggii Dhitadii u taaloo Dhallinyaradu joogtoo X2 Dhaantada ciyaaraha Dhamaan laysla tumayo Ayaad iiga dhigantoo Laabta kula dhacaysee Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabaya Hayga dheeraan dhabta I saar x2 Dhirta oo magooshiyo Ciidoo dhibic ku hoortoo Dhammaan rayskii soo Baxay oodhebiga laamuhu X2 Dhinacyadu u liiceen Shimbiruhu dhawaaqiyo Qayladu is dhaafshaan Nimcadaa dhitowdoo dhammi loo han weyn Yahay ayaad iiga dhigan Too laabtaa kula dhacayso X2 Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan dhinaca Isaar x2 Dhan kastaba adunyada Waxa laysku dhaafaa Ama lagu dhaqmaayaa Lagu dhalaa carruuraha X2 Dhismaha caashaq Weeyaan anigana dhib Kaygiyo dhiiladan ihaysaa X2 Dhabtii waxan tirsanayaa Waa adi dhankaagee amba Kuguma dhaafeen haday Dhaawacaa tee x2 Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan dhabta Isaar x2 Beerkey dhambalanoo Dhuuxaygaa shubmaya Oo dhiiggay qulqulayoo Dhibtu maaha kelidaa X2 Waase lagula dhinacyaal Dhabbadaan maraayiyo Kolka aan dhaqaaq tego Dhammi waaxyahaygiyo Dhimirkaygu adiguu Dhabtii kula hayaayoo Dheellalowga ugu wacan X2 Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan dhabarka Isaar hayga dheeraan Dhabta isaar x2
Queue is empty
-- / --