jacaylkaan barbaarshee
bulaalee aan ku koriye
badhtamaha hargaysiyo
burco uga ood jarayy
boodhari agtiisiyo
batalaale aan dhigaye
reer barbara siyaartaaneey
hadalka yanan badinine
anba bari samaadkii
dooni buuxdaan
bad kaga tagay

habeen baxay ha raadcayn
beri shalay usoo celi
kasoo noqo bad iyo wabi
bilihiyo xiliga garo
birta maanad goynine
daba deleb ka baandhaaye
wixi kaaga soo baxa eey
barashada laba u dhigo
quruxdana ishaa bogo
dookhaaga baratami

Exit mobile version