heeeley hibiloow waa yaabaale

ariiree shabeelle maxaa ku dhumay
aroortii waliba dagaal
alleyylki kastaba qaxooti
ilxumo yaan ka arkayaa
arxan la,aan baan daremayaa
umad la dhibaan u jeedaa
illmo iyo agoon la arjumayo
islaamo la laynaayo
odayaal la wareerayo
ishaadu waxay nebcaato
dhegtaadu waxay ka oydo
masaakiin la eedaadinaayo
Ayaan arkaya mudo aad u badan
soomali miyay ahayn
dadka imtixaanku haysto
heeleey hibilooy waa yaabaale
ariireey shabeelle maxaa ku dhumay

heelleey hibilooy waa yaabaale

ariireey shabeele maxaa ku dhumay
umadaa soomaaliyeed
rabigii uuntee khalqaday
qoloba aag buu ku beeray
inay is cisaysiyo inay isu hiiliyan
ehel iyo walaal ay ahaato
islaamnimo lagu bariisto
ayay aayaduhu tabin
eediyo dhibta aad fashaana
aday kuu daran yihiine
aakhiro markaa loo aqoolo
abaalkaad suuubsataad
agtaada la tuulayaa
amxaaro miyaa ku nool
arliga lagu baratamaayo
heeleey hibileey waa yaabaale
ariirreey shabeele maxaa ku dhumay

Exit mobile version