VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta SomaliWayn ‘ Wadankaygu waa Hal Qudha’ mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saado cali Warsame
SomaliWayn ‘ Wadankaygu waa Hal Qudha’

Dadkeyga wada jiroo,
dalkooda wada socdee
miyey guul waayayaan? (2x)

MAYA MAYA MAYA waa MAYA
Waqooyi aan u dhashoo
walaalahay koonfur jecel
miyaa la i waalayaa? (2x)
MAYA MAYA waa MAYA.

Anaa wacad qaadayoo,
calanka waligey sidee
miyaan cidla wadhi karaa? (2x)

MAYA MAYA MAYA waa MAYA
Xaqaa waligii cadoo ma waarayo baadilkuye,
miyaa Soomaali weyn daneyste wanjali karaa? (2x)

Wadankeygu, Wadankeygu waa banaadir, Waamo iyo Gedo weeye wadankeygu. Wadankeygu waa Bakool, Marka iyo Baladweyne wadankeygu. Wadankeygu Jowhar weeye, Mudug iyo Galguduud wadankeygu. Wadankeygu waa Boosaaso, Badhan iyo Ceerigaabo wadankeygu. Wadankeygu Taleex wacan Laaska (laascaanood) iyo waa Buuhoodle wadankeygu. Wadankeygu Booramiyo, Burco weeye wadankeygu, Wadankeygu waa Hargeysa, Berberiyo Zeylac weeye wadankeygu. Wadankeygu waa cadaado, Garoowiyo waa Goldogob wadankeygu. Wadankeygu Gaalkacyiyo Hobyo weeye wadankeygu. Wadankeygu waa mid qudha wadankeygu waa midhkaas!!! (2x)

(explain to Ambassador Mahiga please!!) Soomaali Fadlan u fasira (waa heestee) Danjire Mahiga oo isagu markaa xaflada fadhiyey!)

Dalkeyga waa midoo wanaagiisaan jeclee
miyaan waax (qeyb) goyn karaa?? (2 goor)
Maya MAYA waa MAYA

Qabiilka wadar ahoo
dad baa wali daba socdee
miyey waantoobayaan? (2x)

Wadani dhaartaan ahoo
midnimaan weerka u xidhee,
miyaa la i waabiyaa?
(2x) MAYA MAYA MAYA

Xaqaa waligii cadoo
ma waarayo baadilkuye
miyaa Soomaaliweyn daneyste wanjali karaa ( 2x)

Miyaa Soomaaliweyn daneyste wanjali Karaa???!!
Laxanda waxaa diyaariyey
Jalaato Waqooyi

codkii Saado cali Warsame