VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta War ninkoow mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saado cali Warsame
War ninkoow

Dariiqaa anoo jaraaya
Anoon uga jeedin hadal
Anoo jiiqinaaya muuqa
Cadceedu markeey lajoogto
Dhididku jilbihayga qooyay
Ju baa igu tiri shalay
War ninkoow

Ninkuba dib u jarmaade
Jidiinka waxaad marisiiso
Dadaalkeedii kujira
Inaan kaa joojo hadal
Anaanba jecleysaneeyn
Su'aal baan jirinayaaye
Alla jawaab ma isiin kartaa
War ninkoow war ninkoow

Intaad uga jeeddid guudka
Xariirtii la igu jaqay
Wixii jaawi la igu cujay
Wixii cadar la igu jabiyay
Jibtiyoo bootintii
Ciyaaraha jaadbajaad
Jubbaay adigaa iskaleh
Jalbeebtaadu wey aheeyd
War ninkoow war ninkooow

Illaa juuliyo jawaay
Ilaa iyo jeedda bari
Halka saylac kujoogto
Intii jinsi aan wadaagno
Alla jabuuti waxbaa ka yimidee
Alla war ninkoow war ninkoow

Sidaad ii joojiseen
Salaaddii noo jarteen
Intaa waa jiitamaayee
Haddeeraan juuqda gabay
Dadkeey xaggee jiraa
Ma ii jeedaan miyaa
Gidaaradii ineey jilceen
Daaqadihii iga jabeen

Iftiinkii la iiga jaray
Habaaska dhexda jiifa
Inaan cidi joogi karin
Carradu jaarkeeyga tahay
Ineey jiiriyo bisad
Julmiyo iyo jirriqaaga iyo
Dhammaan jinic igu hoydaan
Wixii aan jalaqsadaa
War ninkoow war ninkoow

Maxaan sidan igu jirribay
Ma danbi baa la iga jarin
Miyaa la iiga xiisa jabay
Dalxiiskii miyaa lajoojay
Ma jiifbaa iga wacnaaye
Middaasaan jirinayaaye
Alla jawaab ma isiin kartaa
War ninkoow alla ninkoow

Jaciyo ceebta iga raacday
Jawaab sugan waan uwaayay
Waxaan jilicsani ku iri
Jidbaa seedahay jubbaaxi
Bal jaarka aad ii tahiyo
Curubana soo jalleec
Adaa wali johard sidaa
Jubbaay jubbaay

War ninkoow ninkoow

codkii Saado cali Warsame