Heesta Baafis - Lyrics
maxaa baadi geeloo
baxsadoo halaaboo
nin lihi baafinaayaa
bahal dilaa
maxa faras barooroo
banaan mirad ahaayoo
balxinaaayay geesigu lala baxaa
maxay boogta caashaq
ruuxay bugtaayoo
barbarkeeda taabtaa
kana baqaa
bal dayaay jacaylkani
bir ma gaydo ma lahee
cidi kama badbaadee
badankayga ma hadhsadaye
maxaa gabadh bilaydo
qurux badan lahaydoo
kalgacayl biriinsaday
laba bogley
maxaa wiilal barbaariyo
bal dajiya ahaayoo
boholyoobay caashaqa
baahi qaba
maxa laba balamayoo
beerka iska tabayoo
kala baajay waayuhu
aan baskoon