VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Salaan macaan - Lyrics

Macaariif is celiyoo Ma huraan walaalihii Haday kala maqnaadaan Maankiyo qalbigoodu Way isku soo muuqdaanoo Kala maarmi maynee 2× Waxa loo maleeyaa Hadii aynu kulanee Waxa loo maleeyaa Hadii aynu kulanee Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Salaan macaan Salaan macaan Kuu soo diraayaa Maqla oo gudooma Meel aynu joognaba Mahdiyo barwaaqiyo Mayay iyo naq rooba 2× Farxad loo mashxaradiyo Maasha alehbaan Aan ku caano maalnee 2× Hanadbaa inoo xidhan Inta mawd la aadnee Hanadbaa inoo xidhan Inta mawd la aadnee Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Salaan macaan Salaan macaan Kuu soo diraayaa Maqla oo gudooma Kuwa maamulaayiyo Saacadaanu mahad niqi Hadacood ha raagee 2× Marka lagama tuugaa Been kumaa qaadin caanahee Aan muujinaa nahee 2× Taageerka dunidaa Hawadaa maqlaayee Taageerka dunidaa Hawadaa maqlaayee Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Salaan macaan Salaan macaan Kuu soo diraayaa Maqla oo gudooma Wixii maanta joogiyo Nin reer leh soo maray Arimahan muhiimka 2× Waa macalin kuu dhiga Murtidiyo taariikhda Soo marinayaanee 2× Taageerka dunidaa Hawadaa maqlaayee Taageerka dunidaa Hawadaa maqlaayee Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Inta aan is moognahay Mawjadaha heesa Salaan macaan Salaan macaan Kuu soo diraayaa Maqla oo gudooma
Queue is empty
-- / --