Heesta Been been - Lyrics
ka dib barashadeenii
kulan baaqday iyo xiisaa
dareen igu balaadhay
igu baahaybaa jira
ama bil iyo jaahiyo
bildhaan aragii koowaad
baahidaada wiilyow
busayl aan qarshaa jira
saaxiib iyo barbaartii
uma bogin warkoo
jacaylke=aan i baabaan
ka ilaaliyay buuqee
sokeeyiyo bahdaydii
badar lama wadaagine
dareen igu bilaabmaan
ku banbaaniyaa jiifkee
adna ha igama marin baal
ana yaanan biimaha
bada aawadaa galin
bishaaradii jacaylkana
ha ka dhigin wax baylaha
ha ii sheegin beenbeen
ayaanan baahida
baylah ruux kale u noqon
noloshadii bildhaanayd
ha ka dhigin bar kuma taal
baaqiga ayaamaha
nolol beegsigeediyo
badhaadha jacaylkuba
waa kslsoonidee baro
nasiib waa barytiisee
inaan karaamo buur leeg
intaan kugu bariisimo
waa balan aan ku siiyee
ana inaan bishimaha
erey beer qabooje
kugu dhaho
farxad kuugu baaqaan
balan kuugu marayaa
sidoo kale bushaariyo
ana buuga caashaqa
ka bilaabma magacaan
bandhig kugu gudoonsiin