VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kalgacaylku - Lyrics

Kalgacaylku waa qani caashaqa ka qaran weyn quruxiyo wanaag badan waana shay ku qaaliya qiimeynta aadmiga labada isla qadaan qalbigooda kama go'e waxan igaba kaa qaban kuu quudhi maayee qumanoow u jeedada waanada adoon qubin soo dhawayn qalbi furan oon qoonsimaad lahayn geestaada ila qabo. Saalax qaasim allow yaa habeen qudha uurkeyga qala oo qudha uun la iga jarin quuruumaha ku loolama ku yidhaa garta u qaad taladaan qandhoodee aan qawda ku hayaa qotodeedu dheeraa iinsha alaahu waan qaban qalanjooy inanadee hadii la isku keen qorey oo aan qof isku leenahay waan isla qosli doonaa adna taa qiraha gali hibo mohamed baribaa nin qaaliya qom uu la noolaa qawlka uu yidhaahdaba hadii uu quraanyahay ay ka qaadan waayeen kol adoon I qadinayn quluubtu way ku raacdee nafta aan qaboojee hadal quruxsan ii sheeg quumanow u jeedada waanada adoon qubin soo dhawayn qalbi furan oon qoonsimaad lahayn geestaad ila qabo. Saalax qaasim aduunyada qorshaa jira iyo qaabab waaweyn qarar oodan baa badan qaxar iyo dhibaatana intaa way is dhex qaadaan qandoodee sheekada waan qaadi doonaa qarqarsiga ku jiidoo hawlaha ma qabanaa qalanjooy inanadee hadii la isku keen qorey oo aan qof isku leenahay waan isla qosli doonaa adna taa qiraha gali
Queue is empty
-- / --