VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhisaay - Lyrics

Hubqaad quruxdeeda bilan Milgaha dhaqankeeda wacan Muunada sharafteeda badan Ayaa muxabada igu mudan Ku ladhay maankayga nugul Dhisaay marwadaan jantaay Kaalaay miciinkay kabaay Macnaha noloshiyo libtaay Miyirka dhimirkiyo xiskaay Dhinaca modigtiyo bogaay Muftaax farxada i baraay Xaqdhawr adigaa mutee Miyaan ku irdhayn karaa Milicsiga bilicdeeda dhaban Mabsuud wajigeeda furan Midabka xubnaheeda siman Ayaa muhashada igu ligan Ku milay qalbigayga togan Dhisaay mudantaan rabay Kobciyaay maamuis sudhaay Mansabka nasabkiyo gobtaay
Queue is empty
-- / --