iidaar nalkii
mar kale iidaar
iidoon farxadii
mar kale iidoon
dabuubtaadii idhoo
naxariistaadi isii
isaar doontii xubigaa
qalbiigu ha ii dagee
dusheeda igu habsii
cabaar aan kudaawadee
in doora hortayda joog
dareemay intaad maqnayd
darsadey macaan adi
kuu darsadey
hadaad timid waa dawee
ha iga tagin markale
aniga ha iga tagin
ila doon jawigii
mar kale ila doon
iikeen dawadii
markale iikeen
codkaagii dabacsanaa
idiirshee igu celceli
anigu kuma dayn karo
daqiiqad inaan ku tabo
madoonaayee macaan
naftani dadka kuugu jecel
ayaad dawadeeda tahay
dareemay intaad maqnayd
darsadey macaan adi
kuu darsadey
hadaad timid waa dawee
ha iga tagin markale
aniga adigu ha iga tagin