Sanadkaygi Noqo Sanadkani curtoow Ii same wax badan Sadku igala tagay Kii horee socday Howl yaraan isii Guulo aan sugoo Mudo saadin jiray Ha iga sii fogayn Sahan ii diroo Igu sime ahoow Waxa ii sawiran Saani ii hor keen Sanadkaygii noqo Sida waalidkay Ii so dhowee Hadaan siriq ku jiray Deg deg iiga saar Sanadkani curtoow I Sahal wax badan Iga soo sokee Kan sagootiyo Saaxibkay noqo Rajo aan sugo Saarnayd dushaa Soo deji adigu Oo sabab u noqo Farxad saaidana Waxa ii sawiran Saani ii hor keen Sanadkaygii noqo Sida waalidkay Ii so dhowee Hadaan siriq ku jiray Deg deg iiga saar
