sawtaan dadkala baydhnay
een asxaabtii kala baadnay
een jaray bulshada oodhan

markay badato murugtaydu
hadba saw dib uma baadho
fariimihii bilnaa qali
bal inaan ka helo nafisaad

waxaan boqorka waydiisataa
baryo kaloo kuwani dhaama
ood joogta baashayda
jaclakii badnaa haysto

sawnigan ubaaq baaday
aragiyo bidhaantaada
xasuusahaygu batee

sawkan hilaw badanii
buuxiyey kashaydiiyee
inta badan maankaygu
kaa baaqan kari waaye

Exit mobile version