oog weeye qurbuhu
haalkaaguna qiimo ma lehe
ka habaabnay hidaheena
iyo hore u kaceene

warku waa hubaale
sida hal geela
hogaanka gaarka
ulma ma noo haysaa

hanti kastoo ledahay
reer xunba leedahay
sharaftaada inaad
heshoo ha sugin

haybad waxa ku leedahay
dhulkaaga hooyo

hodan weeye wadanku
had iyo jeer allow
ku hibeeyay nabadee
good har qabow lehban
gudun u haysanaaye

hadal haan man ma buuxshe
hayska hlaynayno
hoygaagan hureeqa
nafta habaabkeeda

halis weeye arinku
ma haleeli karayno
somaalay hashiino
haan ka kacno hurdada

haybad waxa ku leedahay
dhulkaaga hooyo

Exit mobile version